Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada Federaalka soomaaliya General Gaafoow oo maanta Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa ka warbixiyay isbedel lagu sameeyay garoonka diyaaradaha muqdisho ka dib qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo.
Waxa uu sheegay in Hay’ada amaanka Dowlada ay ka go’an tahay ilaalinta amniga garoonka diyaaradaha muqdisho iyo shaqsi walbo oo garoonka ka baxayo la socodkiisa.
Waxa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin in mar kale la carqaladeeyo shacabka soomaaliyeed ee ka baxaya iyo kuwa ka soo dagayo garoonka diyaaradaha muqdisho.
Waxa uu ka warbixiyay go’aano iyo amaro lagu soo kordhiyay garoonka iyo sida loo wajahayo.
