Al-Shabaab ayaa go’doomiyay waddooyinka soo gala Degmada Waajid ee Gobolka Bakool muddo hada ku dhow Hal sano, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu sheegay in ay wadaan qorshe go’doonka looga qaadayo Degmadaasi.
Gudoomiyaha degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Yariisow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen Howlgallo lagu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay si gaar ah ay uga bilaabeen Wadada dheer ee isku xirta Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale degmada Waajid.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in howgalka ay ka qeyb qaadanayaan ciidanka dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka in ay si deg deg usoo gargaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Waajid ee gobolka Bakool.
