Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Howlgalka lagu burburinayo boorarka Afka Qalaad ku qoran yihiin oo Muqdisho kasii soconaya

Taliyaha qeybta waliyow cadde Maxamed Xasan Macow, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalka lagula dagaalamayo boorarka ay ku qoran yihiin luqadaha aan afka Soomaaliga aheyn.

Taliyaha wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid lagula dagaalamayo goobaha ganacsiga ee boorarka ku qorta luqada English-ka.

Howlgalkaasi ayaa shalay ka bilowday magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ganacsiga eek u yaala hareeraha waddada Maka Al-Mukarama, waxaana lagu burburiyay goobo badan oo ganacsi ah.

Taliyaha qeybta waliyow Cadde ayaa sheegay in goobaha ganacsi eek u yaala guud ahaan magaalada Muqdisho laga baabi’in doono boorarka lagu xardhay luqadaha qalaad.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/02/Xasan-Cabdi-iyo-Booliska.mp3?_=1
Exit mobile version