Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Howlgal lagu soo qabtay dad ka ganacsanayay Maandooriye

Muqdisho-RisaalaFM- Howlgalkan oo ay sameeyeen Ciidanka Amaanka ee Degmada Hodan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad ka ganacsanayay Maandooriyaha nuuca loo yaqaano Xashiishka.

Gudoomiyha Degmada Hodan Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay soo qabteen ilaa Saddex Jawaan oo Xashiish ah iyo Labo qof oo ka ganacsanayay.

Sidoo kale Axmed Salaad Gudoomiyha Degmada Hodan ayaa wuxuu sheegay in dadkan la soo qabtay ciqaabta ay mudan yihiin la marsiin doono.

Ugu dambeyntii Gudoomiyha Degmada Hodan Axmed Salaad ayaa wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan rag kale oo falkan ku lug leh, oo gudaha Degmada Maandooriye ku iibiya.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/11/cod-Gudoomiye.mp3?_=1
Exit mobile version