Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Hakad ku yimid dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa maanta hakad uu ku yimid dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaalada Gaalkacyo, kadib banaanbax cabasho ah oo ay dhigayaan dadka ku nool magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeedaa kooxo maleeshiyo beeleed ah oo isbaaro dhigtay duleedka magaalada Gaalkacyo, banaanbaxan wuxuu soo bilawday shalay.

Shacabka isku soo baxay ayaa masuuliyiinta dowladda iyo maamulka Galmudug ka dalbaday in arrintan ay wax ka qabtaan, balse ilaa hadda ma jirto cid ka jawaabtay cabashadooda.

Wariyaha Risaala ee magaalada Gaalkacyo, Maxamed Muxudiin (Saxan-saxo) ayaa wuxuu xaalada magaalada Gaalkacyo uga waramay Maxamed Cabdi Cali:-

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/08/Wareysi-Gaalkacyo.mp3?_=1
Exit mobile version