Iyadoo maalinimadii shalay aheyd warqad kasoo baxday guddiga doorashooyinka Qaranka lagu sheegay in xilka gudoomiye ku xigeenka gudigaasi laga qaaday Sayid Cali Sheekh Maxamed, ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka la sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay.
Sayid Cali Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ayaa qalad ku tilmaamay hanaanka loo soo maray xil ka qaadistiisa waxa uuna sheegay in kaliya Baarlamaanka Soomaaliya ay xilkaasi ka qaadi karaan.
Waxa kale oo uu sheegay in Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka ay iyadu qaladaadkeeda ku qaraniyeso waxa uu ku tilmaamay xil ka qaadistaasi sharci darada ah.
Waxa uuna soo hadal qaaday in dhawaanahaanba guddiga doorashooyinka uu ka dhex jiray khilaaf xarga goostay, ayna gudoomiyaha gudiga ay u horseeday guddigaasi fashil iyo waxa uu ku tilmaamay ceeb.
Halkaan hoose ka dhageyso jawaabta Sayid Cali Sheekh Maxamed.

