Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Gudoomiye Jawaari “Kalfadhiga 8-aad waa midka lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka”

Kulanka aan caadiga aheyd ee lagu furayay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka  ayaa waxaa khudbad qiimo weyn leh ka jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan isagoo ka hadlay arimo muhiim ah oo xaaladda dalka quseeya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday wax qabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin isla markaana kalfadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hada horyaal golaha shacabka.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale sheegay in kalfadhigan 8 aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka iyo meesha uu dalka u dhaqaaqayo.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka wadanka iyo meesha uu u socodo, isagoo sheegay in howlaha hadda la wado ay yihiin kuwo jiho quman u socda.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/04/Gudoomiyaha-Barlamanka-Somaliya-1.mp3?_=1
Exit mobile version