Gudoomiyaha degmada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka tahay dhibaatada ka taagan magaalada Marko.
Gudooomiyaha ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay falalka amni daro ee ka dhacaya magaalada Marko iyo welibo dagaal beeleedyada ka dhacaya magaaladaasi.
Waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan magaalada Marko ay yihiin kuwa aan sharciyeysneyn oo qaab qabiil u shaqeeya isla markaana dowlada aysan waxbo ka qaban ciidankaasi.
Waxa uu sheegay in ciidamada jooga magaalada aysan u joogin danta shacabka iyo danta qaranka balse ay yihiin ciidamo qabiiladooda difaacaya.
