Waxaa magaalada Hargeyso ee Xarunta Soomaaliland si nabad ah ku gaaray Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo xil saaray abaaraha Soomaaliya.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeyso ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland, waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Soomaaliland.
Waxaa Caawa lagu wadaa in loo sameeyo Xaflad soo dhaweyn ah oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo, iyadoo inta xaflada ay socoto lagu wadaa in lacagta lagu wareejiyo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo markii ay gaareen Hargeyso si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa ka warbixiyay sida loo soo dhaweeyay.
