Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in lala xisaabtamayo askarigii xad gudub u geysta xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Waxa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin in mar walbo lagu xad gudbo Xasaanada Xildhibaanada Qaranka ay leeyihiin.
Waxa uu sheegay in wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale lagula xisabtamayo khalad kasta oo ciidamada ay u geystaan Xildhibaanada Qaranka.
Waxa uu xusay in Ciidamada Dowladda laga doonayo in ay si isku mid ah ula dhaqmaan Madaxda Dowladda balse aysan aqbali doonin in Saraakiisha keliya ay ixtiraam.

