Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Guddiga Abaaraha dalka oo lacago lagu wareejiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Abaaraha Qaran ee dalka ayaa waxa ay soo bandhigeen lacago loogu yaboohay Guddigaasi, taasi oo looogu tala galay dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay lacagahan in ay ka soo gaareen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan.

Waxa uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Lacagtan soo gaartay in si deg deg ah ay ku gaarsiin doonaan dadka ku dhibaateysan Gobolada dalka.

Qeybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka jira Abaar daran oo leysay dadka iyo duunyada.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/04/cod-sheekh-nuur.mp3?_=1
Exit mobile version