Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Gen.Gaafow oo ka hadlay qaabkii uu ku qaatay Baasboor Soomaaliga ruuxii fuliyay qaraxii Daallo

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya Gen. C/laahi Maxamed Maxamuud Gaafow ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii uu ku qaatay Baasboor Soomaaliga ruuxii ka dambeeyay qaraxii diyaaradii Daallo.

Qaraxii diyaarada Daallo ayaa waxa uu dhacay 2-dii bishii February ee sanadkan, waxaana fuliyay nin laptop sitay waxyaabaha qarxa oo diyaarada la raacay.

Gen. Gaafow oo warbaahinta la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay nin ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho in uu u yimid kadibna uu weydiistay abtigiisa oo xanuunsan in loo sameeyo Baasboor Soomaali si daryeel caafimaad oo dhanka dibadda ah loogu qaado.

Dad badan waxa ay shaki galinayeen sida ninkan uu ku helay Baasboor Soomaaligii iyo fiiso la sheegay in uu ugu socday dalka Turkiga.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/War-Feysal-iyo-Garoonka.mp3?_=1
Exit mobile version