Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Galmudug oo wali wahadal ugu baaqeysa Ahlu sunna

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa baaq u jeediyay maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka UK ayaa markuu ku laabtay magaalada Cadaado wuxuu ka hadlay waxyaabaha u soo qabsoomay.

Wuxuu ugu horeyn ka hadlay wadahadaladii ay horey ugu baaqaan maamulka Ahlu sunna, wuxuuna markale sheegay iney diyaar u yihiin xalinta dadka maamulkiisa dhaliilsan.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay in wax walbaa oo khilaafaad ah oo ka jira deegaanada maamulkiisa lagu dhameeyo hab wadahadal ah, sida uu sheegay.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/Kaafi-iyo-Guuleed-.mp3?_=1
Exit mobile version