Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Galmudug oo qabatay Maxabiis kale

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in tiro kale oo maxaabiis ah ay ka qabteen Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in ay baaritaano ku wadaan ragaasi ay Al-Shabaab ka qabteen isla markaana ay soo bandhigayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay tirade Al-Shabaab ay dagaalka ugu qabteen iyo sidoo kale tirade ay ka dileen.

Ciidamada maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe ku dagaalamaayay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana horay Saraakiisha ciidamada maamulka galmudug ay Warbaahinta usoo bandhigeen maxaabiis badan oo ay ka qabteen Al-shabaab.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/Masaga-waa.mp3?_=1
Exit mobile version