Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Galmudug oo Maxkamadeynaysa rag ka tirsan Al-Shabaab

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay maxkamadeyn doonaan dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay  Bari gobolka Mudug.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa in maalmaha soo socda maxkamad la soo taagi doono,islamarkaana maamulka Galmudug ay Muddo dheer hubin ku hayeen.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Cadaalada la marsiiyo ragaasi ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanada Galmudug.

Dagaal culus oo ka dhacay Bari gobolka Mudug ayaa maamulka Galmudug waxay kusoo qabteen tiro badan oo ah dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/Cod-Carabeey.mp3?_=1

 

Exit mobile version