Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Galmudug “Al-shabaab badan ayaa soo gaaray deegaanadeena”

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu qiray in Al-Shabaab fara badan oo ka soo cararay duqeymaha dowladaha Kenya iyo Mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya in ay soo gaareen deegaanada maamulka Galmudug uu ka taliyo.

Madaxweyne C/kariin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-shabaab fara badan ay soo buux dhaafiyaan deegaanada maamulkooda islamarkaana ay wanaagsan tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii Al-shabaabkaasi soo gaaray deegaanada Galmudug looga saari lahaa.

Waxa uu sidoo kale uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab looga saari lahaa gobolada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidmada dowladda Soomaaliya iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ay qabsadeen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/War-Axmed-iyo-Galmudug.mp3?_=1
Exit mobile version