London-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii halka maalin ka socday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay 41 masuul oo isaga kala yimid dalal kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, Wasiiro, Wakiilo, Ururo iyo xubno kale.
Ajandayaasha Shirka London looga hadlay ayaa kala ahaa Arrimaha Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-ta Sano ee soo socota.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe Antonio Gutters ayaa si wadajir ah u guddominayay shirkan.
Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Magaalada London, kana mid ahaa Madaxdii Soomaalida ee shirkaasi ka qayb gashay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga baaraan deggo meelmarinta qoddobadii ka soo baxay shirkaasi.
XIGASHO:- Radio Daljir
