Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa Maanta su’aalo weydiinaya Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood adag ka yeelanaya Warbixintii ay soo gudbiyeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa horay u sheegay in ay muhiim tahay in Xildhibaanada ay si hufan ugu shaqeeyaan qorhooyinka ay wadaan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka..
Xalimo Ismaaciil Ibraahim “ Xaliimo Yareey” oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Xildhibaanada ka codsatay in ay si wanaagsan oo hagar la’aan ah guddiga ula shaqeeyaan.
Sidoo kale waxa ay sharaxaad dheeraad ah ka bixisay holwha culus ee guddigaan horyaalla.

