Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Farmaajo “Shabaab khilaafka DF dhexdeeda ah ayay ka faa’ideystaan”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Shabaab mar walba in ay ka faa’ideystaan khilaafka soo kala dhexgala Dowladda Federaalka, iyo sidoo kale maamul Goboleedyada.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo Dowladda Federaalka dhexdeeda in laga tir tirayo khilaafka, iyada oo laga faa’ideysanyo marxaladihii la soo maray.

Sidoo kale waxa uu sheegay Farmaajo in ay yaraadeen weeraradii Shabaab ay geysan jireen, wuxuuna tilmaamay Dowladda in ay wado dadaalo dib loogu dhisayo Ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab.

Dhanka kale Maxamed C/laahi (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay socdaalkii uu ku tagay magaalada kismaayo in uu qeyb ka yahay socdaalo badan oo uu ku tagi doono Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in ay u qorsheysan tahay in uu tago Puntland Galmudug, Hirshabeelle, taasi oo ujeedadeeda ay tahay sidii ay u kala xog qaadan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/06/Cod-Farmaajo.mp3?_=1
Exit mobile version