Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Farmaajo oo loo gudbinayo warbixin la xiriirta dhinaca cadaalada

Muqdisho-RisaalaFM- Guddigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan u xilsaaray qiimeynta arrimaha Maxaabiista ayaa sheegay in ay Madaxweynaha u gubin doonaan warbixin muhiim ah oo ku aadan dhinaca cadaalada.

Warbixintan ayaa wax ka tareysa arrimaha uu mudnaanta siinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ee la xiriirta dhinaca cadaalada.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 30-kii bishii May ee sanadkan waxa uu Guddigan u xilsaaray in ay xog ka keenaan xaaladaha Maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.

Xubnahan ayaa Todobaadkan waxa ay la kulmayeen maamulka xabsiga dhexe iyo Maxaabiista si ay u helaan xog waxtar leh oo hagi karta talaabooyinka uu Madaxweynuhu rabo in uu u qaado dhanka Garsoorka.

Nuur Diiriye Xirsi oo ka mid ah Guddiga Madaxweynaha uu u xilsaaray xaalada Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay la wadaagayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood oo isugu jiro Qareeno, Garsoorayaal, Sharciyaqaano ka kala socda Talisyada Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee Garsoorka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/06/cod-Nuur.mp3?_=1
Exit mobile version