Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo qaraxii ka dhacay Marka

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa qarax lagula eektay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad, kuwaas oo siday Qaad.

Waxaana ka dhashay qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hal qof ayaa ku dhintay qaraxa halka labo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka dhowaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in goobta uu qaraxa ka dhacay ay xilligaas aheyd mid dad fara badan ay ku sugnaayeen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa in dad shacab ah lala eekto qarax, iyadoo wali aysan jirin mas’uuliyada qaraxaasi cid sheegatay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan maamulka Marka wali kama aysan hadlin dhacdadan, iyadoo maalmihii udambeeyay ay magaalada Marko ay ku dagaalamayeen beelo halkaasi wada dega.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/04/War-Dubad-iyo-Marko.mp3?_=1
Exit mobile version