Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ah kala wareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo la qaaday xalay Saqdii Dhexe ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannada Xarar-lugoole, Fidow & Buurweyne oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, Isla markaana kuyaalla wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka & kuwa degaanka aysan joojin doonin howlallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, isla markaana ay dhammaan ka saari doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in dadka kunool degaannada Al-Shabaab ay kala wareegeen ay kala kulmeen soo dhaweeyn ballaaray maadaama uu sheegay inay ka dulqaadeen rag in badan culeys ku haayay dadka Shacabka ah.
Meelo badan oo katirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa xilligaan ka socda howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo siwadajir ah ay u wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaannada oo is abaabulay, iyaga oo la wareegay degaano dhowr ah.

