Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Faah faahin Dagaal ka dhacay Mudug

Mudug-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleedyo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, wuxuuna si gaar ah uga dhacay Degaanka Bali-busle.

Waxa uu Dagaalkan salka ku hayaa aanooyin qabiil, dhowr jeer ayuu sidan oo kale uga dhacay Degaanada Gobolka Mudug.

Inta la ogyahay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryooday 2 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 Qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta Gobolka Mudug.

Wakiil Wareedka Radiorisaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) ayaa qadka Telefoonka waxa uu ugu waramay Maxamed Abuukar Dabaashe.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/cod-saxansaxo.mp3?_=1
Exit mobile version