Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyan amniga, lana howlgalaan Ciidamada.
Wuxuu sheegay muhiim in ay tahay in aysan soo laaban dhacdadii laba iloobaanka aheyd ee 14-kii bishan October ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku nafwaayeen boqolaal dadweyne ah.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay maamulka Gobolka Banaadir in uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, kalana shaqeeyo sugidda amnigooda.
Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay muwaadin walba in looga baahan yahay in si deg deg ah uu ula soo xiriiro maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hay’adaha amniga, hadii uu dareemo xaalad amni daro ah.
