Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay biyo xireen ku sameysay wabiga Shabeelle sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in ay ka war hayaan in xukuumada Itoobiya ay biyo xireen ku sameysay wabiga Shabeelle, iyadoo uu sheegay in biyo xireenkaasi ay u isticmaalaan in ay ku waraabiyaan beeraha dalkooda.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale tilmaamay biyo xireenka dowladda Itoobiya ay ku sameysay wabiga Shabeelle in uu saameyn ku yeeshay nolosha dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne ayaa xilligan waxaa laga dareenaya sara kac ku yimid qiimaha lakala siisto fuustada biyaha iyadoo qiimaha fuustada biyaha lakala siisto 70 kun Sh.s halka markii horana lagu kala iibsan jiray 20 kun Sh.s.
Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dareenkooda iyo sara ukaca ku yimid qiimaha lakala siisto biyaha.
