Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Dowladaha Ingiriiska iyo Japan oo Soomaaliya ka taageeraya dhinacyo badan

Iyadoo shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba gabeeyay shir looga haldayey arimaha Soomaaliya diiradana lagu saarayay hormarka arimaha Soomaaliya dhinacyada amniga iyo siyaasada dalka ayaa hadana madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu kulamo kula qaatay dalkaas wasiiro ka socda dowladaha Britan iyo  Japan kuwaas oo Soomaaliya ka taageeraya dhinacyada amniga iyo hormarka dalka.

Kulanka ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha ka socday Britan iyo Japan ayaa la sheegay sidii diirada loogu saari lahaa dowladda Soomaaliya ayna kaga taageeri lahaayeen amniga iyo dib u dhiska dalka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa,uud Aweys ayaa warbaahinta u sharaxay kulanka madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay xubanaha ka socday Britan iyo Japan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in uu kulamo la qaatay xubno ka socday deeq bixiyaasha caalamka kuwaas oo ka qayb galayey shirkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/02/Dabaashe-2.mp3?_=1
Exit mobile version