Gudoomiyaha degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada ay la wareegeyso boosaska banaan ee aan dadkii lahaa aysan dhisan iyo guryaha laga maqan yahay oo aan la deganeyn.
Waxa uu sheegay in guryaha laga maqan yahay ee ku yaala xaafadaha degmada Heliwaa in ay cidii lahayd ay u qabteen Mudo 15 daqiiqo ah islamarkaana cidii u hogaansami weydo amaradaasi ay dowlada kala wareegeyso guryahaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dowlada ku wareejineyso qoysaska danyarta ah ee Barakacayaasha ah ee aan heysan guryo ay seexdaa.
Waxa uu tilmaamay in aysan ogolaan doonin iney jiraan guryo iska banaan oo aan cidii lahayd u tashan, kuwaasi oo tilmaamay in ay ku amrayaan iney geedaha ka jaraan isla markaana ay dhistaan.
