Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Gumarey oo hoostagta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana la sheegay in rag huebysan ay rasaas ku fureen goob ay isugu yimaadeen dad Dhalinyaro u badan.
Cabdullaahi Axmed Maxamuud oo ka mid ah Odayaasha Tuulada Gumaroow ayaa sheegay in Ciidamo watay gaari nooca dagaalka ay rasaaseeyeen Dhalinyaro ku sugnaa goob lagu shaaho.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada dhalinayarada rasaaseeyay ay ka amar qataan guddoomiyaha Gobolka Shabelleha Dhexe,isla markaan halkaasi ku geeriyoodeen laba Dhalinyaro ah halka saddex kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Keysaneey ee Magalada muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cabdullaahi Axmed Maxamuud.
