Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha dowladda u soo daabici la’dahay lacag Cusub oo uu horey u sheegay in la sameynayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Wasiir Maareeye waxaa uu sheegay in dowladda ay la xiriirtey Hay’addo awood u leh inay sameeyaan,hayeeshee ay jiraan duruufo farabadan oo sahli karin in lacag la soo daabaco.
Waxaa uu ku eedeeyey inay soo daabicida lacagta Cusub ee Shillinka Soomaaliga ay caqabad ku yihiin Maamul goboleedyada.
“Runtii duruufdo farabadan ayaa jira,sababtoo ah shalay waxaan maqlayey Maamul goboleed yiri guddiga doorashooyinka hanaga baxaan,namrka waxaa laag yaabaa inay lacagta aan soo daabacno ay diidaan ayuu yiri”Wasiir Maareeye.

