Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Lix Milyan oo Qof oo Soomaali ah ay gaajo iyo macluul daran wajahayaan, loona baahan yahay in si deg deg ah wax loogu qabto.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryan Qaasim oo warbixin u soo gudbisay Golaha Wasiirada ayaa sheegtay in Wasaaradda ay diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida Hay’adaha gargaarka iyo Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay wado dadaalo lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen Abaaraha.
Waxa uu sheegay Hay’addaha Caalamiga ah in laga codsaday in ay la shaqeeyaan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, si ay u fududaato dadka in la gaarsiiyo Gargaar.
Maryan Qaasim Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Todobaadkan waxa ay booqasho ku tagtay Xeryo ku yaalla Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho, iyada oo ujeedadeeda ay aheyd u kuur gelida xaalada ay ku sugan yihiin dadka dhibaateysan.

