Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: DF “Dib ayay u soo laabteen Burcad-badeeda”

Muqdisho-RisaalaFM- Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan Buracad-badeeda Soomaalida.

Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Burcad-badeeda ay dib u soo noolaadeen, islamarkaana ay bilaabeen Howlahooda Afduubka.

Guddoomiyaha Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muxudiin Cali Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u soo noolaadeen Burcad-badeeda.

Waxa uu sheegay Bisha Maarso in ay soo xoogeesteen Burcad-badeeda, islamarkaana ay bilaabeen Howlihii lagu yaqiinay, isago oo ku baaqay in xafiiskooda lagala shaqeeyo soo afjarida Burcad-badeeda.

Muxudiin Cali Muuse Guddoomiyaha Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale warbaahinta u sharaxay waxa uu qabto xafiiskooda iyo sababaha ay Dowladooda u aas aastay.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/03/cod-xafiiska-1.mp3?_=1
Exit mobile version