Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la Akhriyay

Jowhar-RisaalaFM- Ergada ka qeyb galeysa Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo shalay isaga baxay shirka Maamul u sameynta Labada Gobol ayaa maanta la sheegay in ay dib ugu laabteen shirka gogashiisa ay fidsan tahay Magaalada Jowhar.

Kulamo gaar gaar ah oo saacado badan qaatay oo ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sababeen in ay isku soo dhawaadaan Ergada shirka isaga baxay iyo xubnaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Ergada shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ansixiyay Qabyo Qoraalka Maamulka uu yeelanayo, calanka iyo magaca loo bixinayo Maamulka Labada Gobol.

Akhrintan oo ilaa iyo galabta socon doonta ayaa waxa ay Ergada ka doodi doonaan qodobada qaar ee ku jira Dastuurkan oo ay diidan yihiin.

Mid ka mid ah Howlwadeenada shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka qeyb galaya ayaa Hoolka uu shirka ka socdo ka Aqriyay Dastuurka Maamulkan uu yeelanayo.

Mudooyinkii dambe waxaa cagajiid uu ka socday shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana Wasaarada Arrimaha Gudaha ay dadaal ku bixineysaa sidi ay u dar dar gelin laheyd shirkan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/10/Cod-Jowhar.mp3?_=1
Exit mobile version