Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dhageyso:-Dalladda SOMA oo cambaareysay falkii Ciidamada Puntland kula keceen Idaacadda Daljir

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxaa ay ka xuntahay oo ay aad u cambaareyneysaa tallaabada Ciidamada Booliska Puntland ay ku damiyeen Idaacadda Daljir Xarunteeda Boosaaso, Gabood falkaas ay ku kaceen Ciidamada Booliska Puntland waa mid ka hor imanaya Dastuurka Dalka,midka Dowlad Goboleedka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda Aadanah iyo xorriyada hadalka.

Falka maanta lagu la kacay Idaacada Daljir Waa wax laga xumaado in qalqal la galiyo si toos ahna loogu xadgudbo xarun warbaahineed iyo howl wadeeno oo ku guda jira shaqo maalmeedkooda caadiga ah oo ay bulshada u hayeen .

Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo Sharciga iyo nidaam u yaala dalka oo la ilaaliyo madaxbanaanida oo aan xarumaha idaacada xarig iyo hanjabaad loo geysan ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed kazoo baxay hoggaanka Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.

Dowadd Goboleedka Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah sharciga u horkeenaan Ciidamadii maanta qal qal gilinta iyo Xariga ku sameeyay  Xarunta Daljir ee Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ka hadlaya Warka kasoo baxay Daladda SOMA.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/09/Codka-Guddoomiyaha-SOMA-Makaraan.mp3?_=1
Exit mobile version