Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Dad ka soo hayaamay Abaaraha oo gaaray Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa soo gaarayay dadyow aad u tira badan, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u gaarayay Magaalada.

Dadka qaar ee gaarayay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka hayaameen Abaaraha, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, maadaama Dowladda Kenya ay xireyso xeryahaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay dib u dejinna u sameeyay dadka ka soo barakacay Abaarta iyo sidoo kale kuwa ka yimid xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.’

Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warbixintan inooga soo diray Magaalada Baydhabo.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/02/War-Siid-Cali-1.mp3?_=1
Exit mobile version