Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Dad badan oo Isbitaal la jiifa xanuuno kala duwan

Galgaduud-RiaalaFM- Isbitaalka Guud ee Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa la gaarsiiyay dad kor u dhaafaya 90 ruux, kuwaasi oo la ildaran cudurada Abaarta ay sababtay.

Dadkan ayaa waxaa laga kala keenay tuulooyin hoosyimaada Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa la jiifinayay Isbitaalka Degmada Galinsoor.

Guddoomiyaha Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud Cali Saciid oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in dadkani ay u baahan yihiin Gurmad caafimaad oo deg deg ah.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wakiil Wareedka Warbaahinta Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Muxudiin Saxansaxo.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/04/saxansaxo-2.mp3?_=1
Exit mobile version