Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Dad abaaro ugu dhintay Deegaanka Dhuubo

Dhuubo-RisaalaFM- 2 Ruux ayaa biyo la’aan ugu geeryootey Deegaanka Dhuubo oo hoostaga Dengoroyo oo ka tirsan Deegaanada Puntland, kadib markii ay sii xoogeysteen abaaraha ka jira Deegaanadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Bandar Beyla Siciid Aadan Cali (Ateeno) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay geerida labadan qof, waxaana uu sheegay in abaarahan ay yihiin kuwo dadka iyo duunyada ay saameyn weyn ku reebeen.

Waxa uu baaq u diray Maamulka Puntland, Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha gar gaarka, isagoo ugu baaqay in gar gaar lala soo gaaro dadka ku dhibaateysan Deegaanka Dhuubo.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in ay wax ka qabanayaan abaaraha ka jira Deegaanada Puntland, iyadoo ilaa iyo hada aysan jirin wax gar gaar ah oo la gaarsiiyay dadka ay abaaraha saameeyeen.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/11/Cod-Puntland-1.mp3?_=1
Exit mobile version