Afhayeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa dardaaran waxa uu ujeediyay gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.
Waxaana uu kula dardaarmay in uu si wanaagsan uu shaqadiisa uguto, iyadoo uu sheegay in shacabka ay dhowaanahan cabashooyin iyo waxyaabo kale ay kaga cabanayeen Maxkamadda Sare ee dalka.
