Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ku baaqay in wada hadalo lala galo ururka hubeysan ee Ahlu Sunah ee ka taliya gobolada dhexe ee dalka.
Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weli Maamulka Ahlu Sunah inaan qayb laga siinin Maamulka Galmudug, iyadoo Ahlu Sunna halgan adag u gashay ayuu yiri xureynta deegaano ka mid ah Mudug iyo Galgaduud.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Galmudug uu hada Madaxweynaha ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed uu ku guul dareystay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in xilligan oo kale loo baahnaa in ay midoobaan maamulada dalka ka jira, sidoo kalena Al-shabaab hal dhinac looga soo wada jeesto.
Al-shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Galmudug, waxaana dhowr jeer oo hore halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Galmudug iyo Al-shabaab.
