Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Codsi loo diray Maxkamadda Sare ee Dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laga codsaday in ay joojiso dhaarinta iyo waliba diiwaan gelinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

In ka badan 40 Musharax oo u taagnaa xildhibanimada Aqalka Hoose, balse guuldareystay ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dalka, waxaana ay sheegeen in kuraastooda la musuq maasuqay.

C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Qareenada u doodaya Musharaxiintan ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda Sare ee Dalka ay ka codsadeen in ay joojiso dhaarinta xildhibaanada cusub, si kuraasta la musuq maasuqay xal looga gaaro.

Sidoo kale C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay arrintan in ay la socodsiiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Dadban ee Dalka, si wax looga qabto.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ku soo qul qulayeen Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Munaasabada dhaarinta.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/12/cod-jariil.mp3?_=1
Exit mobile version