Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Ciidamo duulaan ku ah Tiyeeglow

Tiyeeglow-RisaalaFM- General Ibraahim Yarow Isaaq Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ayaa wuxuu ku hadlay Dagaalada lagula jiro ururka Al-shabaab gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee qeybta 60-aad General Ibraahim Yarow Isaaq ayaa wxuu sheegay in mar dhow ay duulaan ku yihiin Degmada Tiyeeglow, si Shabaab looga saaro Degmadaasi.

Wuxuu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuw Koonfur Galbeed in ay heystaan Hub iyo Agab Millitari oo ku filan, isagoo sidoo kale sheegay in Ciidanka ay diyaar u yihiin Howlgallo ka dhana ah Shabaab.

General Ibraahim Yarow Isaaq Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ayaa sheegay in uu kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka AMISOM ee Gobolka Bakool, waxaana uu kala hadlay sidii Amniga loo sugi lahaa.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/11/War-Risaala-Jimco-4-11-2016.mp3?_=1
Exit mobile version