Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgallo dad lagu soo qab qabtay

Afhayeenka Wasaaradda amniga dowladda soomaaliya  Cabdi kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Idaacadda Risaala ee ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM  lagu soo qab qabtay dhalinyaro fara badan,waxuuna sheegay in howlgaka xoogiisa uu ka dhacay Xaafada Siliga ee degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaas  in 550-ka ruux ee lagu qabtay Howlgalka kala saarid lagu sameeyay islamarkaana 17 ka mid ah hadda Gacanta ay ku hayaan Lamaaha Amaanka  Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Waxay wadeen howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/04/Afhayeenka.mp3?_=1
Exit mobile version