Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa galabta waxaa ku tartamay Degmooyinka C/casiis iyo Boondheer.
Waxaa Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sandkan taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Degmooyinka C/casiis iyo Boondheere ayaa galabta tartankooda waxa uu ahaa mid aad uxiiso badan waxaana Labada degmo ay tartanka ku kala faa’ideen Su’aalo Aqoon guud ah.
Degmada C/casiis ayaa galabta waxa ay ka adkaatay degmada Boondheere kadib markii ay degmada C/casiis ay keensatay dhibco gaaraya 12 halka degmada Boondheere dhankeeda ay la timid 6 dhibcood.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka C/casiis iyo Boondheere.
Beri oo Talaado ah Bisha Ramadaan ay noqon doonta Insha Allah 17 ayaa waxaa tartami doona Degmooyinka Awdhiigle iyo Dharkiinley.
