Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Biyo la’aan daran oo ka jirta degmada Afmadow

Biyo la’aanta ka jirta degmada Afmadow ayaa la sheegayaa in dadka ku nool magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow ay yihiin kuwa halis ugu jira maadaama biyo la’aan ay jirto.

Gudoomiyaha degmada Afmadow Muuse Macalin Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Jubbaland laga doonayo in ay ugurmadaan dadka biyo la’aanta heysata.

Waxaana uu sheegay in dhowr jeer oo hore qeylo dhaan ku aadan biyo la’aan ay maamulka Jubbaland u direen, iyadoo uu sheegay in dadka ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan biyo la’aan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro iyo biyo la’aan daran.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/04/Afmadow.mp3?_=1
Exit mobile version