Dadka ku nool Degaanka Rako-raaxo oo ka tirsan degmada Qardho ayaa waxaa soo food-saartay biyo la’aan sidda ay xaqiijiyeen waxgaradka degaanka.
Degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Bari ayaa sidoo kale laga soo sheegaya in ay ka jirto biyo la’aan dadka degaanka saameyn ku yeelatay.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa baaq u diray Xukuumadda Puntland iyo hay’adaha gargaarka bixiya oo ay ka dalbadeen in si deg deg ah loo soo gaaro si wax looga qabto dhibaatadda Biyo la’aanta ah ee heysata.

