Banaanbaxan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Inta u dhaxeysa Lafoole iyo Carbiska ee Gobolka Shabellaha hoose, waxayna dadka kacabanayen dil ay sheegeen inay gaysteen ciidamo ka tirsan dowladda.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay, ayaa sheegay inay u banaanbaxeen, kadib markii nin si weyn deegaanka Carbiska looga garanaayay gurigiisa lagala baxay, kadibna la soo dilay, arintaasi oo ay gaysteen ciidamo dowladda ka tirsan.
Illaa hadda ma cadda cida dilkaasi gaysatay meesha rasmi ahaan ay ka tirsan yihiin inkastoo dadka ay dhigeen Banaanbaxaasi cabashada ah oo maanta hakadka galiyay dadka iyo gaadiidka.
Qaar ka mid ah dadka banaanbaxaayay ayaa Risaala u waramay.
