Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada ugu badan ee ka hadlay labadii maalmood ee la soo dhaafay dooda Baarlamaanka ayaa isku aragti ka ahaa arrimaha dhanka ammaanka ah ee ka jira magaalada Muqdisho iyo qorshe la’aanta xukuumadda ee dhanka amniga.
Xildhibaanadii shalay ka hadlay dooda golaha shacabka ayaa waxa ay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka amniga ay hor yimaadaan baarlamanka, si wax looga weydiiyo caqabadaha dhanka ammaanka ah ee ka taagan magaalada Muqdisho.
