Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Baarlamaanka Jubbaland oo la xisaabtamaaya Madaxweynaha

Baarlamanka maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in ay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay kula xisaabtami doonaan sababaha keenay in wali Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ka gaabiyay Wax u qabashada dadka kunool gobolka Jubbada Dhexe oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay u soo jeesan doonaan la xisaabtanka madaxweyne Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sare loo qaadi doono la xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/Wareysi-Gudoomiyaha-Baarlamanka-JB.mp3?_=1
Exit mobile version