Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dhageyso:-Axmed Madoobe oo sheegay in hubka Dowladda loo geeyo Al-Shabaab

Madaxweynaha dib loogu doortay Maamaulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Amniga dalka Soomaaliya xilligaan uu marayo meel aan wanaagsaneyn,isla markaana Dowladda federaalka ay ka gaabisay dagaalka lagula jiray Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaalkii lala geli lahaa Al-Shabaab lagu bedelay in Ciidamada la kala furfuro iyo in hubka Dowladda ay leedahay loo geeyo Ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha qaar ee dhacaya ma ahan wax sax ah In lala dagaalamo Al-Shabaab  waxaa lagu bedelay in Ciidamada la kala fur furo iyo in hubkii dowladda shabaab loo geeyo,waxaad ogtihiin in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen qaraxyo iyo dagaalo ayuu yiri”Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tan iyo markii uu soo bilaawday khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka waxaa uu Eedeymo kala duwan uu u jeedinayay Madaxda dowladda federaalka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-1-ahmed-madoobe-.mp3?_=1
Exit mobile version