Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay markale ururka Ahlu Sunah ee ka arimiya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ay ugu baaqeyso in ay ku soo biiraan Dowladda federaalka.
Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo la galaan kooxda hubeysan ee fadhigeeda uu yahay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in xitaa uu diyaar u yahay in xilkiisa uu kaga tanaasulo oo uu u baneeyo Mas’uuliyiinta Ahlu Sunah hadii ay la midoobayaan Dowladda Soomaaliya.
Hadalkan ayaa wasiirka waxa uu ka sheegay xilli uu la hadlayay warbahinta dowladda ka jeediyay waxaana arintan ay ku soo aadeysaa xilli Ahlu Sunah dhowr jeer oo hore ay ku gacan seereen in ay wada hadal la galaan Dowladda federaalka.
