Baydhabo-RisaalaFM- Degaano iyo Degmooyin ku yaalla Gobolada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa ay u baahan yihiin in loo sameeyo biyo dhaamin, maadaama Warihii iyo Ceelashii biyaha laga dhaansan jiray ay biyo yareeyeen.
Magaalooyinka biyo yarida ay ka jiraan ayaa qaarkood waxa ay yihiin, kuwo wadooyinkooda ay u go’doonsan yihiin Shabaab.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu furayo wadooyinka u xiran Shabaab.
Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayaa warbixintan ka soo diray Magaalada Baydhabo.
